Wararkii u dambeeyey weerar saaka aroortii Israel ku qaaday gudaha Iran

Ka dib weerar gantalo ah oo Israel ku qaaday gobolka Isfahan ee dalka Iran, warbaahinta dowladda Iran ayaa ku warameysa in dhammaan xarumaha aaggaasi ay yihiin kuwo ammaan ah oo ay ku jiraan xarumaha muhiimka ah ee Nukliyeerka.

Inkastoo sarkaal Mareykan ah uu CNN u sheegay in Israa’iil ay weerarkaas ka geysatay gudaha Iran, haddana Israa’iil weli ma aysan sheegan mas’uuliyadda weerarka.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sidoo kale ku warramaysa in aysan jirin wax diyaarad ah oo cadow ah oo soo galay hawada Iran.

Qarax xooggan oo laga maqlay meel u dhow magaalada Isfahan ee dalka Iran ayaa waxaa sababay “difaacida cirka oo soo riday shay laga shakisan yahay,” ayuu yiri taliye sare oo ka tirsan militariga Iran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Iran ee Tasnim.

Ma jirin “wax khasaare ah ama dhacdo,” ayuu yiri taliyaha sare ee milatariga labaad Brigadier General Mihandoust ee gobolka Isfahan.

Sarkaal Mareykan ah ayaa CNN u sheegay in Israa’iil ay weerar ka fulisay gudaha Iran. Militariga Israa’iil ayaan ka hadlin.

Saddex qarax ayaa subaxnimadii hore ee jimcaha laga maqlay meel u dhow saldhigga milateri ee ay diyaaradaha dagaalka ku leeyihiin gobolka Isfahan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee FARS ee Iran.

“Difaaca waxaa la hawlgeliyay isagoo ka jawaabaya shay ay u badan tahay inuu yahay drone,” sida ay ilo wareedyo u sheegeen FARS news.

Afhayeenka Xarunta Qaranka ee Internet-ka ee Iran, Hossein Dalrian, ayaa sheegay in difaaca cirka ay soo rideen saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn .

Xulafada Israa’iil, oo uu ku jiro Maraykanku , waxay ku baaqeen inay is-xakameeyso Israa’iil si ay uga hortagaan dagaal goboleed. Maraykanku hase ahaatee Israel ayaa u muuqata ineysan qaadan talada xulufadeeda.

Weerarkan ayaa yimid saacado kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amir-Abdollahian uu u sheegay CNN  in haddii Israa’iil ay qaado tillaabo militari oo dheeraad ah oo ka dhan ah Iran, jawaabteedu ay noqon doonto mid adag oo deg deg ah

Waxa uu intaa ku daray: “Haddii maamulka Israa’iil uu sameeyo qalad weyn mar labaad jawaabteenu waxay noqon doontaa mid Israel ay ka qoomamayso.

 

- Advertisement -