Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo amaanka oo si weyn loo adkeeyay

Waxaa saakay xiran inta badan Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinkaasi loo diidayaa in ay maraan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa shacabka.

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo aad u hubeesan ayaana saakay lagu arkayaa wadooyinka xiran, waxaana ciidanka ka muuqda feejignaan dheeraad ah iyagoona dadka iyo gaadiidka ka celinaya goobaha u xiran.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in markii ugu horeesay lagu qabto shirka  Ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana shirkan kasoo qeyb galaya  wafdi ka socda 15 dal oo ururkan ku bahoobay.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii Soomaaliya sanado badan kadib u marti galin laheyd shirar caalami ah, waxaa sidoo kale la filayaa waqtiyada soo aadan in shirar kan kasii weyn Soomaaliya marti galiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -