Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Fanaanad caan ah oo qaadatay Diinta Islaamka (Daawo Sawirada)

Fanaanad caan ah oo u dhalatay Dalka Ireland ayaa qaadatay diinta Islaamka, waxa ayna fanaanadan badashay magaceedii hore iyadoona hada la baxday magac cusub oo ka turjumaya in ay islaamtay.

SinĂ©ad O’Connor ayaa aheyd fanaanad caan ah oo qaaday heeso badan ay ku jiraan kuwa aad loo yaqaan, waxaana heesaha caanka ah ee qaaday fanaanadan kamid ah Nothing Compares 2 U iyo heesta kale The Lion and the Cobra.

Fanaanada qaadatay Diinta Islaamka ayaa iska bedeshay magaceedii ay caanka ku aheyd waxa ayna hada la baxday magaca Shuhada, waxa ayna muujisay sida ay ugu faraxsan tahay in ay soo islaamtay.

Shuhada ayaa fariin ay soo dhigtay barta Tiwitterka ay ku leedahay ku cadeesay in ay qaadatay diinta Islaamka, waxa ayna dadka muslimiinta ah ugu mahad celisay taageerada ay u muujiyeen markii ay soo islaamtay.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Xasan Shiikh oo booqday degaan ka tirsan Sh/dhexe oo laga saaray Al-Shabaab

Caydiid Ali

Dowlad Afrikaan ah oo ka carootay hadal uu Trump soo dhigay bartiisa Twitterka

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo wareegto ku Magacaabay taliye Ciidan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---