Israel oo Wasiir ka tirsan Maamulka Falastiin u diiday inuu ku laabto daanta Galbeed

Wasiirka arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa sheegay in Israa’iil ay kala noqotay sharcigii xagga safarka, taasoo qayb ka ah tallaabooyin ciqaab ah oo ka dhan ah Falastiiniyiinta oo xukuumadda cusub ee mayalka adag ee Israa’iil ay maalmo ka hor ku dhawaaqday.

Riad Malki ayaa war uu soo saaray Axadda maanta ah ku sheegay in uu ka soo laabanayay caleema saarka Madaxweynaha Brazil, markii lagu wargeliyay in Israa’iil ay laashay sharcigii socdaalka ee madaxda sare ee Falastiin.

Sharcigas ayaa u oggolaan jiray masuuliyiinta Falastiinyiinta inay si fudud uga safraan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, si ka duwan falastiiniyiinta caadiga ah.

Go’aankan ayaa waxa uu muujinayaa xariiqda adag ee ay dowladda hadda jirta ee Israel durbaba ku wajaheyso falastiiniyiinta maalmo yar oo ay xilka heyso. Talaabadan ayaa waxay ku soo beegantay xilli rabshado ba’an ay ka socdeen Daanta Galbeed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -