Laamiga Dayniile oo sanado kadib dib u dhis lagu bilaabay (Daawo Sawirada)

Laamiga Degmada Dayniile dhax mara uu ka muuqday bur bur xoogan iyo dayactir la’aan ayaa mudo sanado ah kadib lagu bilaabay dib u dhis balaaran, waxaana talaabadan laamiga lagu dhisayo si weyn usoo dhaweeyay shacabka kunool Dayniile.

Gudoomiyaha cusub ee Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar oo maalmo kooban xilka haya ayaa durba bilaabay in uu dib u dhis ku bilaabo wadooyinka Muhiimka ah ee dhax mara Dayniile gaar ahaan Laamiga oo aad u bur bursanaa.

Laamiga Dayniile ayaa hada waxaa lagu shubay jay suurto galinaya in gaadiidka iyo dadkuba si caadi ah u maraan, waxa uuna Gudoomiyaha sheegay in Mustaqbalka dhaw  Laami casri ah ay saaraan wadada dheer ee isku xirta Kuliyada ilaa isbitaalka Dayniile

Shacabka Degmada Dayniile ayaa aad u bogaadiyay una soo dhaweeyay waxqabadka muuqda ee Gudoomiyaha cusub ee Degmada Dayniile lasoo baxay, waxa ayna shacabka balan qaadeen in gacan dhankooda ka geesan doonaan horu marka degmada ka socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -