Shariif Xasan oo ka hadlay Musharixiin gaadiid aan xabadaha karin la tagay Baydhabo

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay doorashada dhawaan ka dhaceysa magaaladaasi.

Waxa uu sheegay Shariif Xasan in dhawaan magaalada Baydhabo ay ka dhaceyso doorasgada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxa uuna xusay in uu rajeenayo in doorashadaasi si nabad galyo ah ku dhacdo.

Shariif Xasan ayaa dhinaca kale ka hadlay Musharaxiin ka tagay magaalada Muqdisho oo la tagay Baydhabo gaadiid nuuca aan xabadaha karin iyo sidoo kale ciidamo gaar ah oo ilaalinaya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dowlada Federaalka maamulkiisa aysan siin gaadiid balse Musharaxiin aan wali la dooran ay siinayaan gaadiid nuuca aan xabadaha karin.

”Maalmahan waxaan maqleynay in diyaarado baabuur lagu keenayo , maamul hore ayaa jiray wax gaadiid na siiyayna ma arag dowladu waxaan ka fileynay in ay anaga nasiiso, laakin ninka hada la diray baabuur xabad karin la siinaayo markii la doorado lee maa la siiyo, dadkan baabuur la siiyay waxa ay u egyihiin kuwa la magacaabay ” Ayuu yiri Shariif Xasan.

Hadalka Shariif Xasan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan magaalada Baydhabo baabuur aan xabadaha karin la tageen labo kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha K/Galbeed kuwaa oo la tuhmayo in dowlada Federaalka ay taageereyso si ay Shariif meesha uga saaraan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -