Nin lagu eedeeyay in uu Basaas ahaa oo lagu xiray Laascaanood iyo Booliiska oo ka hadlay

Ciidanka booliiska maamulka Khaatumo State ayaa xalay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku xiray nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu basaas u ahaa maamulka Somaliland.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Sool ee maamulka Khaatumo ayaa lagu sheegay in ay xireen Cabdiraxmaan Maxamed Cali , waxa ayna sheegeen in ninkan uu ahaa basaas u shaqeenayay maamulka Somaliland.

”Ciidamada Booliska SSC Khaatumo ayaa gacanta kusoo dhigay basaas u adeegayey jabhada argagixisada SNM, kaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cali ina Caasho Ibraahim Maxamuud 25 jir ah kuna Dhashay Hargaysa” ayaa lagu yiri warka booliiska.

Booliiska maamulka Khaatumo ayaa sidoo kale ninkan dhallinyarada ah ay xireen ku eedeeyay in baraha bulshada uu ku dhaliili jiray maamulkooda, sidoo kale uu taageero u muujin jiray maamulka Somaliland.

Ninkan ciidamada booliiska maamulka Khaatumo xireen ayaa la sheegay in hadda ku socdaan baaritaanno, waxa ayna booliiska caddeeyeen in si deg deg ah ninkan loo horgeyn doono maxkamad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -