Dowlada Turkiga oo hawada loo marsiiyay Digniin adag oo la socoto Hanjabaad 

Midowga Yurub ayaa u diray Dowlada Turkiga digniin ay la socoto hanjabaad la xariirta in cunaqabateyn adag lagu soo rogayo hadii aysan joojin ficilo ay sheegeen in ay abuurayaan xasarado.

Madaxa siyaasadda arimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell, ayaa sheegay in dowlada Turiga ficilo gardaro ah ka wadaan bariga badda Mediterranean-ka ay isku heestaan dowlada Gariiga.

Josep Borrell, ayaana uga digay Trukiga dhaq dhaqaaqa gaas baarista ah ee kawada badda Mediterranean-ka ee lagu muran sanyahay, waxa uuna ugu hanjabay Turkiga hadii aysan joojin dhaq dhaqaaqa ay wadaan in ay wajihi doonaan cunaqabateyn adag.

Midowga Yurub ayaana shirar ka yeelanaya xiisad siyaasadeed oo soo korortay kadib markii dowlada Turkiga bilowday in ay gaas ka baarto biyo ay Gariiga iyo Jaziiradda Cyprus isku heestaan lahaanshiyaheeda.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga oo lagu magacaabo Hami Aksoy, ayaa sheegay in Midowga Yurub aysan awood u laheyn in ay dhaleeceeyaan howlaha gaas baarista uu sheegay in dalkooda ka wadaan.

“Midowga Yurub awood uma lahan inay dhalleeceeyaan howlaha batroolka ee ka socda gudaha dalkeenna waxaana ka dalbaneynaa in ay joojiyaan arrintaan”. afhayeenka u hadlay Wasaarada arimaha dibadda Turkiga.

Midowga Yurub ayaa u muuqda kuwa cadaadis xoogan saaraya dowlada Turkiga oo ku mashquulsan in gaas kasoo saarto badda Mediterranean-ka , waxaana talaabadan turkiga qaaday ka careesiiyay dowlada Gariiga oo daris la ah Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -