Ra’isul Wasaaraha Somalia & Wafdi uu horkacayo oo galabta ka ambabaxay dalka

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa galabta ka dhoofay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda wadanka isutaga Imaaraadka Carabta.

Booqashada Kheyre ee Imaaraadka oo dhowr jeer u baaqatay arrimo farsamo ka dib markii uu casuumaad ka helay Madaxda dalkaas. waxaana wafdigiisa ka mid ah xubno ka tirsan goleyaasha dowlada.

Casuumada ayaa ka dambeysay ka dib markii bishii hore raisul Wasaaruhu la kulmay Wasiirka Arrimaha dibada ee dowlada Imaaraadka intii uu socday shirkii Davos ee dalka Switzerland lagu qabtay.

Ra’isul Wasaare kheyre ayaa marka uu tago dalka Imaaraadka la kulmi doonaa Masuuliyiinta dalkaas, isagoo kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal oo mad-madow uu soo kala dhex galay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dowladda Soomaaliya dhexdhexaad ka noqtay Khilaafka dalalka Khaliijka.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay iney si weyn ugu lug yeelatay xaalada Siyaasadeed ee dalka, iyadoo malaayiin dollar ku bixisay sidii ay isaga horkeeni laheyd dowlada dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Madaxweyne Farmaajo oo horey labo jeer u booqday dalka Imaaraadka ayaan ku guuleysan inuu joojiyo fara gelinta Imaaraadku ku hayeen siyaasada Somalia, lamana oga waxaa booqashada raisul  wasaare Khayre ay arimahaas ka bedeli doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -