Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay Muuqaalo ay dhowaan ay baahisay Al-Shabaab

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumada Somalia ayaa war ka soo saartay muuqaalo taxane ah oo dhowaan baraha bulshada ay ku baahisay kooxda Al-Shabaab.

Muuqaalada taxanaha ah oo ka koobnaa 12 qeybood ayey Al-shabaab kaga hadashay wax ay ugu yeertay gaalnimada ku dhaqanka dastuurta Somalia iyo qodobo ay sheegtay iney ka hor imanayaan diinta islaamka oo ku jirta dastuurta.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa wax diinta ka fog ku sifeeyey muuqaalada ay soo saartay Al-Shabaab, isla markaana ay yihiin kuwo ujeedkoodu yahay in  lagu baneysto dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Hoos  ka akhriso qoraalka dowlada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Cabdirahman Aadam Fanaale oo isku soo dhiibay Ciidanka Nabad Sugida (Sawirro)

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo Baaq la xariira Banaan baxa u diray Madaxda Dowlada

Cabdi Cade

Sacuudiga oo bilaabay in ay ganaaxaan dadka aan heysan Fasaxa Xajka iyo Digniin lasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---