Noocyada diyaaradaha Darooniska iyo Gantaalladii lagu duqeeyey Israel oo la shaaciyey

Warbaahinta Maxaliga ee dalka Iran ayaa sheegay inay Duqeymahaasi u adeegsadeen Diyaaradaha Darooniska ee Kamikaze iyo dhowr nooc ee Gantaallada Balaastikada ee Ridada Dheer oo lala beegsaday Bar-tilmaameedyo Milliteri oo ku yaalla gudaha Israel.

Sida laga soo xigtay Ciiddanka Difaaca Israel (IDF) waxay Tehran Duqeymahaasi cuslaa u isticmaaleen 170 Diyaaradaha Darooniska, in ka badan 30 Gantaallada nooca cruise missiles iyo in ka badan 120 Gantaallada Balaastikada.

Telefishinka Iran ee Press TV waxa uu sheegay in Diyaaradaha iyo Gantaallada ahaayeen kuwo lagu rakibay Teknoolajiyad casri ah oo galangal u yeeshay inay tashwiish geliyaan Raadaarada Milliteriga Israel.

Wakaallada Wararka Iran ee Mehr News Agency ayaa soo tebisay in Duqeymihii Cirka ee habeen hore lagu qaaday Israel ay qeyb ka ahaayeen Diyaaradaha Darooniska ee noocooda yahay Shahed-136 Kamikaze, kuwaasi oo awood u leh inay gaaraan ilaa 2,000 oo KM iyo inay qaadaan noocyo kala duwan oo Gantaal culayskiisu dhan yahay ilaa 50 kg

Telefishinka PRESS TV waxa uu tilmaamay inay Milliteriga Iran u badan tahay inay Duqeymihii Israel u adeegsadeen tiro aan la aqoonin ee Gantaallada Balaastikad Ridada Dhexe ee (Kheibar Shekan medium-range ballistic missiles).

Milliteriga Iran waxay kaloo adeegsadeen Gantaallada guuxooda ka dheereeya ee Fattah hypersonic missiles oo gaari Kara ilaa 1,400 oo KM.

Wakaallada Wararka Iran ee Mehr waxay soo tebisay in duqeymahaasi loo adeegsaday Gantaalka Khorramshahr-4 missiles oo ridadiisu gaari karo masaafo dhan 2,000 oo KM.

Docda kale, Khabiir lagu magacaabo Fabian Hinz oo ku takhasusay awooda Milliteriga Iran kana hawlgala Machadka Caalamiga ee Daraasaada Istaraatiijiyada ee Berlin (The International Institute for Strategic Studies in Berlin) ayaa ku dooday in Gantaaladii Duqeymaha Iran ee lagu qaaday Israel uu ka mid ahaa Gantaalka casriga ee Paveh 351 cruise missiles oo wax ka duqeyn Kara masaafo gaarayso 1,650 KM.

Si kastaba, Saraakiisha Milliteriga Iran waxay sheegeen inay guul ka gaareen Hawlgalkii Duqeymaha la beegsadeen Bar-tilmaameedyo Milliteri oo ku yaalla gudaha Israel, balse, Saraaakiisha Milliteriga Israel ayaa ku doodaya inay Gantaalladii iyo Darooniska Iran ay 99% ka hortageen.

Milliteriga Israel waxay kaloo qireen inay Iran beegsadeen Bar-tilmaameedyo Milliteri oo Khaas ah, balse aysan duqeynin goobaha ay dadka Rayidka ku badan yihiin ama ay degan yihiin.

W/T Ustaad Nuuradiin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -