(Sawirro) Mareykanka oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Kumandoska Danab

Dufcad cusub oo ka mid ah ciidamada Kumaandooska ah ee Danad ee Soomaaliya, islamarkaana uu taageero Mareykanka ayaa waxaa loo soo xiray tababar.

Munaasabad lagu qabtay Balidoogle, oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamad Xoogga, ayaa waxaa askartaasi loogu sheegay in ay u diyaar garoobaan ka qeyb-qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo munaasabadas ka hadlay ayaa sheegay in Dowladdu ay xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda Gobollada dalka si gacanta loogu dhigo deegaannada ay weli joogaan argagixisada.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ujeedka ciidanku uu yahay ka gungaarista waxa ay u dhaartayn oo ah in ay difaacaan Dalkooda, Dadkooda & Diintooda sidaas awgeed lagu gaari karo wadajir iyo iskaashiga ciidamada & Shacabka.

“Halgankaan qiimaha badan ay ciidamadu ku jiraan oo ay qayb ka yihiin ciidanka Daraawiishta iyo Macawiislayda waa in la difaaca Diinta, Sharafka & karamkooda, Dad badan ayaa u dhintay halgankaan waxaa nalaga rabaa inta uu qof naga nool yahay in aan xaqiijiyo hhadafkaas”sidaa waxa yiri wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in tababarrada ciidamada Dowladda Federaalka ay bixinayso ay ku arkeen Dhallinyaro heegan u ah kana go’an tahay in ay difaacaan Dalkooda si lamid ah halyeeyadii ka shaqeeyay halgankii xorriyadda Dalka.

- Advertisement -