Askari ka tirsan ciidamada Israel oo si fool xun loogu dilay gantaal lala helay

Askari Israeli ah ayaa lagu dilay gantaal ay soo rideen xoogaga hubeysan ee Falastiiniyiinta, intii lagu guda jiray howl-gal maanta ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto

Bayaan kasoo baxay militariga Yuhuuda ayaa lagu sheegay in askariga oo 21 jir ahaa uu madax kaga dhacay gantaalka intii lagu guda jiray dhaq-dhaqaaq howl-gal” oo ka socday xaafadda yaabad ee ku dhow magaalada waqooyi ee Jenin.

Ilo-wareedo amni oo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in isku-dhacyada ay xalay billowdeen kadib markii ciidamada Israel ay soo weerareen xaafadda.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel, Lieutenant Colonel Jonathan Conricus ayaa sheegay in ciidamadu ay galeen xaafadda si ay u soo xiraan Falasiiyiin la tuhunsan yahay.

“Yabaad waxay caan ku tahay inay xarun u tahay argagixisada, kuwa u damqada iyo kuwa taageera ficillada argagixiso,” ayuu yiri oo intaas ku daray in askariga dhintay uu yahay kii ugu horreeyey ee sanadkan Israel kaga dhinta dagaal.

Ciidamada Israel ayaa ka baxayey xaafadda markii gantaalka lasoo tuuray, kaasi oo madaxa kaga dhacay askariga, sida uu sheegay afhayeenka, oo intaas ku daray inay raadinayaan qofka gaystay weerarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -