Kenya oo ciidamo la dagaalama kooxo falaago ah u dirtay dalka Congo DR (Sawirro)

Ciidamada Kenya ayaa ka degay magaalada Goma ee dhacda bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Waxay qayb ka noqonayaan howlgalada lagu beegsanayo fallaagada M23 ee ka horjeeda dowlada Congo DR

Fallaagada M23 oo ka soo ruqaansatay gobolka Kivu ayaa dhul ballaaran ka qabsatay Dowladda.

Dagaalka DRC ee u dhexeeya ciidamada iyo fallaagada M23 ayaa ku dhawaaday magaalada muhiimka ah ee Goma ee bariga dalkaasi, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Isniintii, taasoo sababtay barakac cusub, iyadoo ay socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu xalinayo dagaalka.

Hoggaamiyayaasha 7-da dal ee ku midaysan ururka EAC oo ay Kenya ku jirto ayaa bishii April isku raacay in la dhiso ciidamo isku dhaf ah oo gacan ka geysta soo celinta amniga qaniga ku ah macdanta ee Congo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -