Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo Magacaabay taliyeyaal cusub (Akhriso Magacyada)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid iyo isku bedel Ciidan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Amniga.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi loo magacaabay Hogaanka Dembi Baarista (C.I.D) ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
  2. Waxaa G/sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyaha Qabta Booliska Gobolka Bari loo bedelay Taliyaha Qabta Booliska Gobolka Nugaal.
  3. Waxaa G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada loo wajeejiyey Taliska Ciidanka Booliska waxaana loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari.
  4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fatahaad & daadad iswata oo saameeyey xaafado ka tirsan deg. Afgooye (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin cirbad ku dilay mid kamid ah Ilaalada Hotelka Xayaat oo Gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Kooxda Taaliban oo gacanta ku dhigtay Hub iyo Gaadiidka Humvees

Cabdi Cade
Taboola Ads ---