Qorshada sugida amniga Muqdisho ee maalmaha ciida oo la dejiyey (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa shir gudoominayay shirka amniga Caasimada maalmaha ciida ee nagu soo food leh

Shirka amniga caasimada iyo nawaaxigeeda waxaa Goob joog ahaa Taliye xigeenka Koowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S.Guuto Cusmaan C/lahi Maxamed (Kaniif) Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir, Saraakiisha fadhiyada madaxa Banaan Taliyaasha  qeybyada ciidamada Boliiska iyo Taliyaasha  Qeybyada NISA,

Ujeedka kulanka ayaa ahaa dardar galin Howlaha amni ee Caasimada maadaama bishii barakeysned ee Ramadaan ay Gabagabo tahay loona diyaar garoobo sidii loo xaqiijin lahaa amniga muwaadiniinta Maalmaha ciida ee nagu soo food leh u dabaaldagayo,

S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa dhamaan Saraakiisha  fadhiyada Qeybaha saldhigayada Nabad sugida iyo Boliis Militaaro, in laga shaqeyo sidii loo laba jibaari lahaa amniga Caasimada iyo Nawaaxigeeda.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa sidoo kale warbixino ka dhegeystay saraakiisha ciidamada  iyo taliyeyaasha saldhigyada kuwaasoo la xiriiray xaaladihii ugu dambeeyey ee amniga.

Waxaa Mudooyinkii Dambe Socday Qorshaha Xasilinta amniga Caasimada oo Mudooyinkii dambe Soo hagagayay kadib dadaalo badan oo ay sameeyeen ciidamada qalabka sida ee ka Howlagala Caasimada Dalka.

- Advertisement -