Allbanaadir.com
NEWS

Gantaalo dhimasho iyo dhaawac sababay oo lagu weeraray Israel (Sawirro)

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay siddeed kalena way ku dhaawacmeen weerar gantaallo ah oo lagu qaaday magaalada Safed ee waqooyiga Israa’iil.

Telefishinka Channel 12 ee dalka Israel ayaa sheegay in mayd laga helay intii lagu guda jiray baaritaanka dhismo uu waxyeello u geystay gantaal kaasoo ku yaalla degaanka Safed.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in saldhig ku yaalla waqooyiga Israa’iil lagu beegsaday gantaallo laga soo tuuray Lubnaan, iyadoo aan la cayimin magaalada. Ciidamada Cirka ee Israel ayaa ku jawaabay “weerar aar gudasho ah oo ka dhacay Lubnaan.

Ururka Xisbullah, oo ah koox hubaysan oo Iran taageerto, isla markaana ah ciidamada gobolka ayaan sheegan weerarka.

Laga soo bilaabo maalintii xigtay weerarkii 7-dii Oktoobar ee Xamaas ay ku qaadday Israa’iil, rasaas ayaa ka dhacaysa xadka Lubnaan uu la wadaago Israa’iil.

Is-dhaafsiga madaafiicdan ayaa u dhexeeya Israel iyo Xisbullah oo ay Iran taageerto , iyo sidoo kale kooxaha kale ee ka hawlgala koonfurta Lubnaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab ka saaray deegaanka Jameecada

Cabdi Cade

Putin: “Prigozhin wuxuu ku dhintay qarax ka dhex dhacay dayuuradii uu la socday”

Caydiid Ali

Habraaca iyo shuruudaha doorashada Guddoonka gollaha shacabka oo lasoo saaray (akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---