Mid ka mid ah dalalka Islaamka oo shacabkiisa ka Mamnuucaya isticmaalka Facebook

Maamulka Taliban ee dalka Afghanistan ayaa shaaciyey iney dalkaas ka mamnuucayaan isticmaalka aalada Facebook

Najibullah Haqqani, oo ah madaxa maaliyadda ee wasaaradda isgaarsiinta iyo tignoolajiyada ee xukuumadda Taliban ayaa wareysi uu siiyay taleefishin ku sheegay in uu sameeyay istaraatiijiyad lagu xadidayo ama lagu mamnuucayo isticmaalka Facebook.

Najibullah Haqqani ayaa wareysiga uu bixiyay ku sheegay in la soo gabagabeeyay qorshaha lagu xadidayo isticmaalka Facebook ee dadka Afgaanistaan ama gabi ahaanba lagu mamnuucayo.

Haqqani waxa uu ku dooday in xiritaanka Facebook-ga ay gacan ka gaysanayso in laga hortago “waqtiga iyo hantida dhalinyarada ee lumaya” iyo in la xakameeyo soo bandhigidda waxyaabaha anshax darrada ah.

Haqqani waxa uu walaac ka muujiyay xaaladda dhalinyarada Afghanistaan, isaga oo ku sifeeyay kuwa inta badan aan waxna qorin waxna akhriyin”, waxa uuna dhaleeceeyay isticmaalka baraha bulshada.

Inkastoo aan la shaacin waqtiga cayiman oo qorshahan lagu fulinayo, haddana Haqqani ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada ay diyaarineyso siyaasad lagu dhaqan gelinayo xayiraadda Facebook ee Afgaanistaan.

Xukuumadda Taliban ayaa horay u mamnuucday baraha TikTok iyo ciyaarta ama Gameka ay dhallinyaradu aadka u xiiseeyaan ee PUBG.

Facebook ayaa ah midka ugu isticmaalka badan Afgaanistaan, waana mid kamida aaladaha baraha bulshada ee ugu caansan dalkaasi, oo ay u badan yihiin dhalinyarada.

Guddiga caalamiga ah ee taageerada saxafiyiinta ee “CPJ” ayaa ugu baaqay xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan inay ka tanaasusho qorshaheeda xaddidaya ama mamnuucaya aaladda Facebook.

Ururka caalamiga ah ee taageera saxafiyiinta ayaa sheegay in xayiraadda lagu soo rogay Facebook-ga ay sii carqaladayn doonto habka loo maareynayo xogta shacabka.

 

- Advertisement -