Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo xoojisay digniin ay horey uga soo saartay khatar soo wajahan

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed, ayaa mar kale maanta ku celisay in Roobka gu’ga ee ka curtay dalka sida saadaasha sheegeyso uu wato daadad iyo fatahaado,

heyadda ayaa sheegtay iney wado dedaallo arintaas looga gaashaamanayo, iyada oo xustay in daadadkan iyo fatahaadahan laga cabsi qabo in ay sameen ku yeshaan dad gaaraya 800,000 kun oo qof.

Mareeyaha xarunta Qaran ee SoDMA Xasan Cabdulqaadir Ciise ayaa sheegay in ay diyaariyeen ka hay’add ahaan 51 Doomood oo hadii ay dhacaan fatahaadaha iyo daadadka dadka lagu soo badbaadiyo,

Sidoo kale waxa uu sheegay in geeyeen jawaano farabadan magaalooyin ka tirsan Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo jubbaland si Wabbiga iyo goobaha biyo mareenada ah meelaha ay ka jilicsan yihiin loogu adkeeyo.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, Md Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa dhankiisa shacabka ugu baaqay in ay baneeyaan goobaha biyo mareenada ah,hareeraha wabbiyada, shacabkaan looga bahanyahay in ay taxadaran oo fariimaha hay’adda ay si dhaw ula socdaan.

 

Related posts

Eedeysane lagu faafiyey baraha bulshada isagoo dhac geysanaya oo la qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoomiye Cumar Filish oo dhagax dhigay dhismaha xarumo cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---