Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax aad u xoogan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo si weyn looga maqlay meelo badan oo caasimada ka tirsan.

Wararka ugu horeeya ee ka soo baxaya qaraxan ayaa sheegaya in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lala beegsaday Xarunta Maamulka degmada Hodan.

Qaac iyo uuro weyn ayaa cirka isku sharuurtay, iyadoo la maqlay qaraxa ka dib rasaas fara badan oo goobta ka dhaceysa.

Ciidamada amaanka dowlada iyo gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaasta ayaa gaaray goobta uu qaraxan ka dhacay oo laga soo saaray meydad iyo dhaawacyo badan oo goobaha caafimaadka loola cararayo, iyadoo wararku sheegayaan in burbur xoogan uu soo gaaray xarunta maamulka degmada.

Weerarkan ayaa yimid todobaad ka dib markii sidan oo kale weerar ismiidaamin ah lagu burburiyey xarunta maamulka degmada H/wadaag, iyadoo Al-shabaab ay markan u muuqato iney mid mid u beegsaneyso xarumaha degmooyinka magaalada Muqdisho

la soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -