Allbanaadir.com
NEWS

Dal Yurub kuyaalla oo ciidamo badan diyaariyay si uu u adkeeyo amniga Muslimiinta kunool

Dowladda Norwey ayaa qorsheeneysa in lasoo shaqo galiyo askarta keydka ee booliiska dalkaaas katirsani marka la gaaro maalmaha ciidul Fitriga, si loo adkeeyo ammaanka guud ee Muslimiinta kunool dalkaasi.

Qoraal kasoo baxay booliiska Norwey ayaa lagu sheegay in loo yeeray ciidamada keydka ee booliiska si loo adkeeyo ammaanka Muslimiinta kunool dalkaasi, kaddib hanjabaadyo ka dhan ah dadka muslimiinta ah oo soo yeeray.

Booliiska ayaa sheegay in maalmaha ciida muslimiinta isugu soo baxaan masaajida iyo barxado waa weyn si ay ugu dukadaan uguna dabaaldegaan munaasabadda ciida, waxa ayna xuseen in goobahaasi si weyn ammaankooda loo ilaalinayo.

Kooxo cunsuriyiin Islaam naceyb ka buuxo ayaa la sheegay in ay ku hanjabeen dhibaateynta dadka muslimiinta ah, waxa ayna dowladda wadaa tallaabooyin ay uga hortageyso in muslimiinta kunool dalkaasi la dhibaateeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Kooxda Bayern Munich oo xarun ka fureneysa dal ku yaalla Bariga Afrika

Caydiid Ali

Aqoonyahan Caan ah oo loo doortay Senator kadib doorasho adag oo dhacday

Cabdi Cade

Kenya oo ka hadashay hadalkii ka soo yeeray heyadda Amnesty & arrinta Cabdirashiid Janan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---