Allbanaadir.com
NEWS

Tirada kooxda Al Shabaab saakay looga dilay weerarkii ay Balcad ku qaadeen oo la Shaaciyay

Dagaalyahanno badan oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa saakay weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah waxa ay ku qaadeen xeryo ciidan oo kuyaalla degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaana iska difaacay weerarka kooxda Al Shabaab kusoo qaadeen degmada Balacad, waxaana Al Shabaab lagu qasbay in si deg deg ah uga laabtaan degmada Balcad oo ay ka dhax dagaallameen daqiiqado dhowr ah.

Guddoomiyaha  degmada Balcad Qaasim Cali Nuur (Furdug) ayaa warbaahinta u sheegay in kooxda Al Shabaab lagu jabiyay weerarkii ay saakay kusoo qaadeen Balcad, waxa uuan sheegay in kooxdaasi laga dilay 11-xubnood tiro kalana laga dhaawacay.

Qaasim Furdug ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin khasaaro nafeed oo shacabka iyo ciidanka kasoo gaaray weerarkii ay kusoo qaadeen degmada Balcad, waxa uuna beeniyay in Al Shabaab muddo kooban qabsadeen degmada.

Kooxda Al Shabaab ayaa marar badan weeraro qaraxyo ku bilowday kusoo qaaday degmada Balcad oo 30-km u jirta magaalada Muqdisho, waxaana degmadaasi xeryo ciidan ku leh milatariga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre: “Wada shaqeynta aniga & Madaxweynaha ayaa sababtay in..(Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Beeraley ah oo Eygiisa u ekeysiiyay sidii Shabeelka iyo Sababta keentay !! (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliyaha Booliiska Galmudug oo si adag uga hadlay Warkii uu shaaciyay taliye Burhaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---