Xog ku aadan Waxyaabihii ay kawada hadleen Sheekh Shaakir iyo Saraakiil katirsan AMISOM (Daawo Sawirada)

Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug kula kulmay Saraakiil ka tirsan Howl galka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Jabuuti iyo Itoobiya.

Kulanka ayaa looga hadlayay arimo xasaasi ah ay kamid tahay sugida amaanka magaalada Dhuusomareeb iyo sidii looga hortagi lahaa in magaalada gudaheeda ka dhacaan isku dhacyo siyaasad salka ku haya.

Sheekh Shaakir iyo Saraakiisha AMISOM ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa amaanka magaalada Dhuusomareeb gaar ahaan xarumaha muhiimka ah ee magaalada ee lagu wado in ay ka dhacaan doorashooyinka.

Saraakiil kulan ka qeyb galay ayaa sheegay in Sheekh Shaakir uu ka dalbaday saraakiisha ciidamada AMISOM in aysan ku lug yeelan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada gaar ahaan kan u dhaxeeya dowlada federaalka iyo maamulka Ahlu Sunna.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada AMISOM oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in shaqadooda aysan siyaasad aheyn balse u yimaadeen ka shaqeynta amaanka iyo gacan siinta ciidamada dowlada.

Kulankan ay yeesheen Madaxa Xukuumada Galmudug iyo Saraakiisha AMISOM ayaa kusoo aadaya xili xiisad siyaasadeed maalmihii lasoo dhaafay ka jirtay Dhuusomareeb sidoo kale laga cabsi qabay in ay isku dhacaan ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -