Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Akhriso: Toban qodob oo ay ku fashilmeen Madaxda dowlad goboleedyada

Madaxweyne Gaas ayaa laba bill kadib ku guulaystay inuu 3 Madaxweyne Gobaleed ku shiriyo Garoowe, markii uu 2 jeer dib uga dhacay, uuna lumiyey ku xigeenkiisii Waare.

Xalay ayaan akhriyey War-Murtiyeedkii ay soo saari lahaayeen maanta ee 4 ta Maalmood iyo 4 ta Madaxweyne, waxaana xasuustay 4tii Hogaamiye kooxeed ee 12 sano ka hor Muqdisho kasoo saaray War-Murtiyeed Shaabaha ka kan Garoowe laba Qodob:

  1. Wadanku wuxuu u baahan yahay Badbaado iyo in Dawlad loo dhiso, iyaga oo iska indha tiraya dawladda u dhisan oo ay xubnaha ka yihiin?
  2. In aysan Madaxdu Qiimayn ku sameen waqtiga ay joogaan, duruufaha ku hareeraysan iyo aragtida ay dadku ka aaminsan yihiin.

Golaha dowlad goboleedyada oo sanad ka hor loo dhisay dagaal ka dhan ah Dawladda Federaalka ayaa shirkiisa Garoowe iyo Baaqa kasoo baxay ka muuqataa guul-daro ku timid ujeedooyinkii loo dhisay sababahaan awgood;

  1. Waxay lumiyeen taageeradii Shacabka ay Madaxda u yihiin kadib markii ay ku fashilmeen hawshii loo igmaday, kuna mashquuleen hawlihii Federaalka iyo Beesha Caalamka.
  2. Waxa ay lumiyeen kalsoonidii Golayaasha Federaalka kadib markii ay dalbadeen inay xilkoodii qaataan, dibna u dhistaan Golihii Hogaaminta dalka ee uu Xasan Sheakh u dhisay.
  3. Waxa ay lumiyeen aqoonsigii iyo kaalmadii Beesha Caalamka iyo IGAD kadib markii ay bill ka hor tageen Nairobi loona sheegay inaan waqti danbe loo hayn xalka Mushkiladooda.
  4. Waxa ay lumiyeen Taageeradii Ethiopia iyo Emaraatka kadib markii ay Siyaasadooda ku aadan Somaaliya is bedeshay.
  5. Waxay lumiyeen iskaashi iyo is difaacid dhexdoooda ah kadib markii ay hayn waayeen Waare una gurman waayeen Xaaf.
  6. Waxa ay lumiyeen fursadii ay doorasho ugu soo laaban lahaayeen kadib markii ay la dagaalameen dawladdii ay la shaqeyn lahaayeen, gacana siin laheed doorashada kadib, la’aan-teedna aysan noolaan karin.
  7. Waxa ay lumiyeen kalsoonida lagu qabay awooda ay leeyihiin karti maamul iyo dawladnimo kadib markii ay ku fashilmeen Xisaab celin iyo La xisaabtan dhaqaalihii la siiyey iyo kan u yaalla.
  8. Waxa ay lumiyeen rajadii laga qabay Fedaraalaynta iyo daadejinta maamulka Gobalada ay ka taliyaan iyo ka Xoreynta Shabaab.
  9. Waxay lumiyeen Taageerada Golayaasha Barlamaana-dooda iyo Waziira-dooda kadib markii ay badeen Mushaar la’aan, Shaqa la’aan, Xorriyad la’aan iwm, badankoodna kusoo qaxeen Xamar.
  10. Waxa ay lumiyeen kalsoonidii iyo Taageeradii Shacabka Soomaaliyeed kadib markii ay ka dhammaan waayeen ilaa 2009 kii luga qabsiga iyo daciifinta Dawladda Federaalka oo ay dadku ka sugayaan inay gaarsiiso himilada ah; soo noqoshada Magacii iyo Maqaamkii ay ku lahaan jireen Afrika iyo Dunida inteeda kale.

Hadaba War-Murtiyeedka 4 ta Madaxweyne waxaan u arkaa waa socon-waynay ee aan Orodno!.

W/Q: Prof Maxamed Nuur Gacal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkadaha Isgaarsiinta dalka oo loo qabtay shir arrin muhiim ah looga hadlayay

Cabdi Cade

Taliye ku dhaawacmay qarax dhowaan ka dhacay Muqdisho oo xilka laga qaaday

Caydiid Ali

Doorashada gudoonka baarlamanka Puntland oo ka socota Magaalada Garoowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---