Musharax gaadiid, ciidamo & hub fara badan kala degay Baydhabo (Daawo Sawirro)

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Baydhabo waxaa halkaasi gaaray maanta musharax si weyn looga dareemay magaalada oo halkaasi la tegay gaadiid, ciidamo iyo Hub fara badan

Xuseen Cismaan Xuseen  agaasimihii hore ee Hay’adda NISA ayaa diyaarad gaar ah ay ka dejisay garoonka magaalada Baydhaba, waxaana ka sii horeeyay diyaarad xamuul oo geysay 4 Gaari oo kala ah: laba gaari oo aanay xabbadu karin, Toyoto Hilux, iyaduna aanay xabbadu karin, Gaari Cabdi Bille ah oo qori saaran yahay iyo ciidamo hubeysan.

Xuseen ayaa ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhaba, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay siyaasiyiin, xildhibaanno iyo dadweyne fara badan.

Dhowaan ayaa sidoo kale waxaa Baydhaba gaaray musharax kale oo sidan oo kale hub iyo ciidamo la tegay magaalada, kaasoo ah wasiirka Tamarta xukuumadda Soomaaliya C/casiis Lafta-gareen.

Labadan musharax ayaa aad loo rumeysan yahay iney taageero culus ka helayaan dowlada federaalka oo dooneysa in meesha laga saaro Shariif Xasan Shiikh oo mar kale doonaya inuu xilkaas qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -