Bambooyin loo kala diray madaxdii hore ee Maraykanka & xubno xisbiga dimoqraadiga ka tirsan

Booliska Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay lix bam oo boostada loo dhigay qaar kamid ah Madaxda xisbiga Dimoqraadiga iyo Telefishinka CNN.

lama oga cida soo dirtay bambooyinkan balse waxaa si weyn loo tuhunsan yahay kooxaha xagjirka cunsuriyiinta ee taageera Madaxweyne Donald Trump.

Goobaha loo kala diray Bambaanooyinka ayaa waxaa kamid ah ah: Gurriga Madaxweynyaashii hore Maraykanka Barack Obama ee magaalada Washington Bill Clinton iyo xaskiisa Hillary Clinton, Xafiiska Xildhibaanada Dimuqraadiga Maxine Waters taasoo Trump uu marar badan  aflagaado u geystay, Gurriga Xeer illaaliyihii hore Eric Holder oo kamid ah xubnaha Dimoqraadiga, Maalqabeenka George Soros oo maalgeliya Xisbiga Dimquraadiga, kaasoo taageerayaasha Jamhuuriga si weyn u neceb yihiin iyo Xarunta Telefishinka CNN ee magaalada New York.

bambooyinkan ayaa la helay inta aysan qarxin, waxayna danbi-baarayaasha sheegeen inay tuhunsan yihiin in hal qof ama hal koox ay falkan ka danbeeyaan, maadaama qaabka loo sameeyey ay isku mid yihiin.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa falkan cambaareeyey xili si weyn loo tuhunsan yahay in hadaladiisa qalafsanaa ee ka dhanka ahaa xubnaha la bartilmaamsaday ay dhici karto inay dhiiri-gelisay kooxda weerarkan ka dambeysa, waxayna arintan ku soo aadeysaa iyadoo labo todobaad ay ka harsan yihiin doorashooyinka Kongareska iyo Gobalada dalkaasi Maraykanka oo ay si weyn ugu loolamayaan labada xisbi ee Dimoquraadiga iyo Jamhuuriga oo waayahan xafiiltan xoogan uu ka dhexeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -