Allbanaadir.com
NEWS

(Akhriso) Beesha caalamka oo War ka soo saartay talaabadii lagu ansixiyey dastuurka

Saaxiibbada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa maanta soo saaray bayaan wadajir ah oo ku saabsan Dib u eegista Dastuurka.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhammaystiran:

Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya* waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta. Waxaan rajeyneynaa iskaashi [sii socda] mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu  xoojineysa dowrka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.

Waxaan sidoo kale qireynaa ku-talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talagashay horumar ay ka sameyso dhameystirka Dastuurka, waxaana ku boorineynaa dhammaan saamileeyda inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda ku aaddan dhisidda  wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub , Finland, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Related posts

Kenya oo beenisay iney dalkeeda ka soo eriday danjirihii dowladda Somalia

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Wakiilka IGAD ee Soomaaliya

Cabdi Cade

Mareykanka oo dacwaynaya Madaxa Shirkadda Adani Group

Caydiid Ali
Taboola Ads ---