Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynaha Somalia oo kulan sagootin ah la qaatay danjire Fei Shengchao

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah la qaatay Danjiraha muddo xileedkiisa diblumaasiyaseed uu dhammaaday ee Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha u fadhiyey dalkeenna, Safiir Fei Shengchao.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Danjire Fei doorka uu ka qaatay adkaynta xiriirka Labada dal iyo kobcinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya Labada shacab, isagoo xusay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen Danjiraha, ulana shaqeeyeen muddadii uu matalayey dalkiisa.

Dhankiisa, Danjire Fei Shengchao ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan saagootinta ah ee uu ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna tilmaamay xusuusta wanaagsan ee uu ka haysto shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, muddada uu ku sugnaa dalkeenna.

Related posts

Isku Shaandhayn lagu sameeyay guddiyada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

Cabdi Cade

Fiqi: “Dhuusamareeb waxaa ku soo haray labo kooxood oo kala ah Ahlu Sunna iyo..”

Caydiid Ali

Al Shabaab oo saakay dagaal kula wareegtay degmo ay gacanta ku hayeen ciidanka dowlada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---