Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad dalkeeda ka mamnuucday dadka ka yimaada Maraykanka Israel & dalal kale

Dowlada Sweden ayaa maanta ka dhawaajisay inay mamnuucday safarada dadka uga yimaanaya lix dal  oo uu ku jiro Mareykanka.

Dalalka kale waxaa ka mid ah Lubnaan, Israa’iil, Kosovo, Montenegro iyo Waqooyiga Macedonia, waxaana laga mamnuucay soo galitaankooda Dalka Sweden iyadoo sidoo kale la kordhiyay mudada xayiraadooda.

Wasiirka arimaha Gudaha Sweden Mikael Damberg oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Sababta ugu weyn ay tahay in kiisaska corona ee Wadamadan ay sii kordhayaan.

Waxa uu dhanka kale sheegay in ay la socdaan talaabada ay dhawaan soo jeediyeen Midowga Yurub ee ku aadan Xaalada Corona Sida wadamada Mareykanka oo kale.

Xayiraadaha ayaa la kordhiyay laga bilaabo 6 Septempar waxayna soconayaan illaa laga gaaro 31 -ka Oktoobar.

Dhinaca kale, iyadoo dhawaan  isu socodka waddamada Canada iyo Mareykanka dib loo furay kadib markii uu COVID 19 aawadii u xirnaa muddo sanad iyo bar ku dhow, dowlada Mareykanka waxay kula talisay muwaadiniinteeda inay ka fiirsadaan aadista Canada.

Mareykanka ayaa digniintiisa ku sababeeyay COVID-19 oo kordhaya dartiisa, laakiin dadka ka shaqeeya hoteellada iyo goobaha dalxiiska ayaa ka cabanaya tallaabadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/pe2QxGlMwgE

Related posts

Aadan Madoobe oo shaaciyay in la qabanayo Doorashada Kuraastii Fahad Yaasiin iyo Mahad Salad

Cabdi Cade

Ku-simaha Madaxweynaha oo la kulmay Madaxweyne Laftagareen (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka arrimaha Dibeda ee Somalia oo la kulmay Dr. Ahmed El-Tayeb (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---