Fannaan caan ah oo geeriyooday isaga oo hees ka qaadaya Bandhig faneed

Fannaan caan ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa geeriyooday ,xilli uu heeso ka qaadayay bandhig faneed ay kasoo qeyb galeen dadweyne badan habeenkii Sabtida ee lasoo dhaafay.

Fannaankan dhallinyarada ah oo lagu magacaabayay Costa Tsobanoglou, ayaa la sheegay inuu isla goobta uu ku heesayay ku dhintay, waxa uuna xilligaasi ku guda jiray bandhig faneed uu ka qeyb galayay .

Warbaahinta dalka Koonfur Afrika ayaa sheegtay in fannaan Costa Tsobanoglou oo qaaday heeso hir-galay mar qura xaalad adag lasoo daristay isaga oo heesaya, waxa ayna sheegeen in uu isla goobta ku geeriyooday fannaanka.

Madaxa wararka madaddaalada ee dalka Koonfur Afrika , Phil Mphela ayaa xaqiijiyay geerida fannaanka, waxa uuna tacsi u diray ehelada iyo asxaabtii uu lahaa fannaankan dhallinyarada ah oo kamid ahaa kuwa ugu caansan dalka Koonfur Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -