Sheekh Shariif oo Digniin u diray Madaxweyne Xasan kuna baaqay Shir wadatashi ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray si adag uga horyimid qorshaha xildhibaanada labada Aqal beri oo Sabti ah ku doonayaan in ay ku meel mariyaan wax ka bedelka dastuurka KMG .

Sheekh Shariif ayaana ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu gadaal ka riixayo qorshahan wax looga bedelayo dastuurka iyada oon raali laga wada aheyn, waxa uuna sheegay in Xasan Sheekh uusan daneeneyn wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ayaana nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhagaha ka fureestay tallaabooyinkii iyo dedaaladii lagu saxayay hannaanka loo marayo dib u eegista Dastuurka iyo heshiis siyaasadeed laga gaaro qodobada masiiriga ah.

Waxa uu ku baaqay Sheekh Shariif haddii Madaxweyne Xasan ku adkeesto wax ka bedelka Dastuurka ayna ku raacaan Baarlamaanka , shir deg deg ah ay isugu yimaadaan masuuliyiinta iyo daneeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya , si loo ilaaliyo dowladimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -