Doorashadii sanadkan ka dhici laheyd Itoobiya oo dib loo dhigay sababo la xiriira..

Guddiga Qaran ee Doorashada dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashadii la wada sugayey ee dalka Itoobiya ka dhici lahayd sanadkan.

Guddiga Doorashada Itoobiya (National Electoral Board of Ethiopia) ayaa soo saaray go’aanka dib u dhigista Doorashada, isagoo shaaciyay inuusan qaban karin doorashada guud ee Itoobiya xilliga loogu talogalay oo ah Ogost 29, 2020 sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Guddiga ayaa sheegay inuu joojiyey howlihii uu waday ee ku saabsanaa Doorashada dalkaasi, iyadoo amarrada la soo rogay si looga hortago faafista cudurka Covid-19 aysan u ogolaaneyn inuu sii wado shaqadiisa.

Doorashada guud ee Itoobiya ayaa ahayd mid muhiim u ah dalkaasi; iyadoo lagu waday inay noqoto doorasho si weyn loogu tartamo, inkastoo laga digay inay rabshado ka dhalan karaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -