(Sawirro) Gudoomiye Madaale oo xariga ka jaray xarun qurux badan oo loo dhisay..

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta Deegaanka Gubadley ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan BFS, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Haweenka, Dhalinyarada iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada Deegaanka Gubadley.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sidoo kale kulan Afur ah la qaatay Maamulka iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada Gubadley, isagoo ka dhageystay horumarada ka jira deegaanka, baahiyaha ay qabaan iyo guulaha laga gaaray dhinaca amniga.

Duqa Muqdisho oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in Maamulka G/Banaadir ay ka go’an tahay sidii Degaanka loogu dhameystiri lahaa Adeegyada Aasaasiga ah ee Bulshada, si loo gaarsiiyo Degmo ay adeegyadeeda u dhan yihiin. Waxa uuna ka mahadceliyay wada-shaqeynta iyo isku duubnida ka dhaxeysa Maamulka Deegaanka, qeybaha kala gedisan ee bulshada iyo laamaha Amniga, taasi oo deegaanka u horseeday in uu yahay mid amnigeeda wanaagsan yahay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -