Allbanaadir.com
NEWS

Xamse oo shaaciyey arrin sababtay inuu yaraado musuqa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay Teknoolojiyaddu yaraysay musuq-maasuqa, sidoo kalena ay qeyb wayn ka qaadatay fududaynta bixinta mushaharaadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hadda adduunku u wareegay adeegsiga Teknolojiyada, sidaa awgeed waxa ka go’an Xukuumadda diyaarinta shuruucdii lagu ilaalin lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgelinta xooggan galisay horumarinta teknoolojiyadda maaliyadeed ee Soomaaliya.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay dowladdu dhiiri galinayso ganacsiyadda gaarka loo leeyahay, isagoo ku bogaadiyey Shirkada Isgaarsiinta Hormuud doorka wayn ee ay ka ciyaarayso horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkan ka jeediyey xiritaanka shirwaynaha Bandhigga Teknoolojiyadda  Maaliyadeed ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in hadda dowladdu ay xoogga saareyso isticmaalka adeegsiga teknoolajiyada.

a

Related posts

(Daawo Sawirro) Dibed baxyada ka dhanka ah Israel ee caawa ka dhacay dunida Islaamka

Caydiid Ali

Mareykanka oo war cusub ka soo saaray damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo amray in la faafiyo xog xasaasi ah oo muddo la qarinayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---