FBI-da Mareykanka oo baaritaan ku sammeysay qasri uu leeyahay Donald Trump

Hay’adda FBI-da Maraykanka ayaa la sheegay inay baaris ku sameeyeen qasri weyn oo uu leeyahay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump.

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada FBI-du ay weerareen gurigiisa raaxada ee Mar-a-Lago oo ku yaala gobolka Florida.

“Gurigayga quruxda badan, ee Mar-A-Lago ee magaalada Palm Beach ee ku taalla gobolka Florida waxaa hadda lagu hayaa go’doomin, ka dib markii la weeraray, waxaana ku sugan ciidamo badan oo ka tirsan hay’adda FBI,” ayuu Trump.

“Kadib markii aan la shaqeynay hay’adaha dowladda ee ay khuseyso, weerarkan aan la ogeyn ee lagu qaaday gurigeyga ma ahayn mid loo baahnaa ama ma ahayn mid ku habboon,” ayuu yiri Trump.

Trump ayaa dowladda ku eedeeyay anshax-xumo dhanka dacwad oogista ah, isagoo sheegay in weerarku uu la mid yahay in si khaldan loo adeegsaday Nidaamkii Cadaaladda.

Waxaa uu xusay in saraakiisha FBI-du ay xitaa jabsadeen khasnaddii kaydka ee gurigiisa taasoo uu sheegay inuu aad ula yaabay.

Tallaabadan ay qaadeen saraakiisha FBI ayaa ku soo aadaya iyada oo baaris lagu wado Madaxweynihii hore ee Donald Trump, halka uu isaguna isu diyaarinayo inuu markale u tartamo kursiga madaxtinimada Maraykanka doorashada soo socota.

Ma sheegin sababta uu u dhacay weerarka. Sidoo kale Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaan iyana weli ka hadlin eedda ka timid Madaxweynihii hore.

- Advertisement -