Dadka degan Dhismaha Matxafka Qaranka oo lagu amray in ay ka guuraan (Daawo Sawirada)

Dadka shacabka ah ee kunool dhismaha Matxafka Qaranka ayaa lagu amray in ay halkaasi isaga guuraan, waxaana lagu wadaa in dhismaha Matxafka Qaranka lagu sameeyo dib u dhis .

Waxaa maanta dhismaha Matxafka Qaranka booqday Guddiga loo xilsaaray soo-nooleynta Matxafka Qaranka , waxa ayna guddigan la kulmen dadka kunool dhismaha Matxafka ay ku amreyn in ay isaga guuraan.

Guddiga maanta booqday dhismaha Matxafka Qaranka ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Wasiirka Isgaarsiinta , Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil ciidan.

Masuuliyiinta maanta kormeertay dhismaha Matxafka Qaranka ayaa dadka degan ku amray in dhismaha uga guuraan  ugu dambeyn 15-ka Nofembar 2018, waxaana xiligaasi waxii ka dambeeya dhismaha laga saari doonaa dadka shacabka ah.

Dolwlada Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu soo nooleenayo goobaha dhaqanka iyo madadaalada sida Tiyaatarka Qaranka oo hada dib u dhis lagu bilaabay iyo sidoo kale Matxafka oo isna la doonayo in dib loo dhiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -