Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadin Soomaaliyed oo qaaday talaabo lala yaabay oo dhif iyo naadir ah (Sawirro)

Cabdiraxmaan Xuseen Wehliye oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo markii ay dhacaysay Dowladii Dhexe dalka waxaa gacantiisa ku jiray Gaari kuwa Xamuulka qaada ah, isagoo ka tirsanaa Wasaaradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka.

Muddo ka dib burburkii Wadanka wuxuu ku iibiyay Gaarigii lacag dhan 12,500 (Labo iyo Toban kun, iyo Shan boqol) oo dollar maadaama aysan jirin xiligaas dowlad uu ku wareejiyo.

Wuxuu ka mid noqday dadkii ka baxay waddanka intii ay socdeen dagaaladii dalka ka dhacay, isagoo u guuray waddanka Ingiriiska.

Dhowaan ayuu soo laabtay wuxuuna go’aansaday lacagtii gaariga lagu iibiyay inuu ku celiyo dowladda, maadaama ay tahay Hanti Qaran.

Cabdirixmaan ayaa lacagta si toos ugu shubay Bangiga dhexe ee dowladda, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda, isagoo qaaday talaabo geesinimo leh oo ku dayasho mudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Cagjar oo qaaday talaabo ka farxisay shacabka Soomaalida Itoobiya

Caydiid Ali

Muxuu Cali Guudlaawe ka qabanayaa Raage Ceelle? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---