Allbanaadir.com
NEWS

Shil fool xun oo ka dhacay Muqdisho iyo dad badan ku dhintay (Sawirro)

Shil gaari oo aad u fool xun ayaa galabta ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho kaasoo sababay dhimasho badan.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii gaari xamuul ah oo waday Kontainer uu ku rogmaday gaari caasi ah oo ay la socdaan qiyaastii 10 qof oo shacab ah.

Gaariga xamuulka ah ayaa ka yimid dekeda Muqdisho, isagoo ku sii jeeday dhinaca Suuq bacaad sida dad goob joogayaal ahi sheegayaan.

Gaariga xamuulka ah ayaa ku jiifsaday caasiga oo ka mid ah gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya xaafadaha Muqdisho, taasoo keentay in gebi ahaanba uu burburo caasiga.

Ugu yaraan todoba qof oo la socday caasiga ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen shilkaas, waxaana weli labada gaari dhexdooda ku hoos jira mey dadka dhintay iyo qaar nool oo ku qeylo dhaaminaya in la badbaadiyo.

Dad fara badan ayaa iskugu soo baxay goobta uu shilkaas ka dhacay, kuwaasoo isku dayaya iney gurmad u fidiyaan dadka weli hoos jira gaariga ah ee caasiga ee midka xamuulka ah uu ku jiifsaday.

La soco wixii soo kordha

Related posts

Madaweyne Qoorqoor iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Garowe (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal caawa ka dhacay Magaalada Marko iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Daawo: Musharax Kheyre oo shaaciyay sababta uu u doonayo inuu Madaxweyne u noqdo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---