Sarakiisha Boliiska Muqdisho oo ka hadlay shil argagax leh oo ka dhacay isgoyska Jubba

Ciidanka ilaalada Nabadgalyada waddooyinka ee Taraafiko ayaa war ka soo saaray Shil gaari oo ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka ilaalada waddooyinka Col. Muuse Kheyr ayaa sheegay in gaari xamuul ah oo Kunteener saarnaa uu ku dul dhacay gaari BL ah oo noociisu yahay Homey ama Caasi.

“Darawalka Gaariga oo ka badbaaday shilka wuxuu noo xaqiijiyay in gaariga ay saarnaayeen afar qof, kuwaas oo dhamaantood dhintay, hadda ayaan meydka ka soo saarnay gaariga, walina waan xaqiijinaynaa haddii ay jiraan dad kale oo waxyeello kasoo gaartay shilka, maadaama aan ku howlanahay gurmadka,” ayuu yiri taliye Muuse Kheyr.

Waxaa uu sheegay iney baaritaan ku hayaan sababta dhalisay shilkaas foosha xun oo si weyn looga hadal hayo magaalada Muqdisho.

Ciidanka taraafikada, Maamulka gobolka Banaadir iyo  kan dekeda Muqdisho ayaa ku fashilmay iney qaabeeyaan nidaamka gaadiidka magaalada, iyadoo gaadiidka xamuulka ka soo qaada dekeda ay xili walba dhex socdaan jidadka magaalada, halkii la doonayey iney u sameeyaan xili xadidan sida habeenkii oo socodka gaadiidka uu ka yar yahay maalintii.

“Dhibaatadu arrinkan waa Mid sii jiri doonto haddii aan waxba laga qaban, waxaana masuul Kawada ah, darawallada sida mas’uuliyad darrada ah gawaarida u wado, ganacsatada baabuurta qaraabka ah Inta tan ka badan ku soo raro darawallada u dhiibo, taraafikada oo aan kala hagin gawaarida, maamulka gobolka oo aan dayactirin waddooyinka qaar islamarkaana lumiyay doorka u adeegida bulshada si wanaagsan, iwm” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Muqdisho

 

- Advertisement -