Allbanaadir.com
NEWS

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo inta badan jugtiisa laga maqlay magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka taalada Daljirka Dahsoon gaar ahaan bar ay ciidamada amaanka ku sugnaayeen.

Qaraxan xoogan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay laga arkayaa holac iyo uuro madow oo ka baxaya .

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa durba xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana goobtaasi hada kusii qul qulaya gaadiidka gurmadka deg dega si ay goobta uga qaadaan dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in khasaaro uu ka dhashay, ,waxaana goobta uu ka dhacay ku dhaw Xarunta Nabad sugida Godka Jilacow iyo sidoo kale xarumo kale oo dowladeed.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Garoonka Diyaaradaha Dayniile oo dib loo furayo iyo Masuuliyiin booqatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo balan-qaad aan caadi aheyn u sameyey shacabka Turkiga

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxdeed ka dhacaya dalka Turkiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---