Allbanaadir.com
NEWS

Masjid kuyaalla Muqdisho oo shuruudo ku xiray dadka doonaya inay ku ictikaafaan

Mid kamid ah masaajida waa weyn ee kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa soo saaray shuruudo dhowr ah oo laga rabo dadka doonaya in gudaha masjidka ku ictikaafaan 10-ka dambe ee bisha Ramadaan.

Masjidka lagu magacaabo Cali Jimcaale uu dhisay milkiilaha shirkadda Hormuud kuna yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa soo saaray shuruudaha laga rabo dadka masjidka ku ictikaafaya.

Shuruudaha laga rabo dadka doonaya in masaajidka ku ictikaafaan ayaa waxaa kamid ah in rag yahay, sidoo kale da’diisa aysan ka yareyn 20-sanno, waxaa sidoo kale dadka ictikaafaya laga rabaa in ay keenaan qof la yaqaan oo damiin ka ah.

Masjidkan shuruudaha ku xiray dadka ictikaafaya ayaa ah mid si weyn bulshada u buux dhaafiyaan xilligan lagu jiro bisha Ramadaan, waxa ayna maamulka Masjidka ka cabsi qabaan in faraha ka bataan dadka ictikaafaya , sidaasna u soo saareen shuruudaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar Mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Paris (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo la kulmay Masuuliyiin katirsan dowlada Imaaraadka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ukraine iyo kaalintii ay ku laheyd in talada Suuriya la wareegaan Hay’at Tahrir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---