Allbanaadir.com
NEWS

Dekadda Muqdisho oo lagu qabtay Maandooriye dhibaato badan ku haya Dhallinta Soomaaliyeed

Dekadda magaalada Muqdisho oo inta badan kasoo degaan alaabaha kala duwan ee dalka loo iib keeno ayaa lagu qabtay maandooriyaha loo yaqaan Taabuuga , oo inta badan isticmaalaan dhallinta Soomaaliyeed.

Hay’adda taya-dhowrka Soomaaliyeed ayaa dekadda Weyn ee Muqdisho ku qabatay Kunteenar ay ku jiraan 249 Kartoon oo Taabuug ah kaas oo qorshuhu ahaa in lagu daroogeeyo dhallinta Soomaaliyeed.

Konteenarkan oo la sheegay in dekadda kasoo dajiyeen ganacsato Soomaaliyeed ayaa la qabtay xilli la doonayay in dekadda laga saaro loona iib geeyo suuqyada kuyaalla magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Sargaal katirsan hay’adda Tayo-dhgowka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan marnaba aoggolaan doonin in dekadda iyo garoonka magaalada Mudisho laga soo dejiyo maan-dooriye nuucyadiisa kala duwan.

Tubaakada loo yaqaan Taabuuga oo ah daroogo ayaa si weyn waxaa u isticmaalayay muddooyinkii dambe dhallinyarada isugu jira wiilal iyo gabdho, waxaana si toos ah looga soo dejin jiray taabuuga iyo maan-dooriyaal kale dekada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Munaasabad heer sare ah oo lagu qabtay Xafiiska Ra’isul Wasaare Kheyre

Cabdi Cade

Qoor Qoor iyo Mahad Salaad oo lagu soo dhaweeyay Deegaan Shalay Al Shabaab laga saaray

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Tahriibayaashii ugu badnaa ee Itoobiyaan ah oo ku qulqulaya Boosaaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---