Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad amartay in Burcad-baddeed Soomaali ah lagu sii hayo Xabsiga kaddib markii…

Maxkamad kutaalla magaalladda Mumbai ee caasimada gobalka Maharashtra ee K/Galbeed ee dalka Hindiya ayaa shalay la soo taagay 35 muwaadiniin Soomaali ah, kuwaasi oo loo soo qabtay in ay yihiin burcad0badeed markab afduub u geestay.

Eedeysanayaasha waxa ay kasoo hor muuqdeen maxkamadda magaalladda Mumbai, waxaana lagu soo oogay dacwado la xariira afduub markab iyo sidoo kale in ay halis galiyeen nolosha bad-maaxayaal.

Garsoorka Maxkamadda Mumbai waxay oggolaatay in ay ciiddanka booliska gacanta ku sii hayaan eedeysanayaasha muddo 10 maalmood, ilaa laga soo dhamaystirayo gal-dacwadeedka Kiiska loo haysto.

Eedeysanayaasha Soomaalida waxaa lagu soo qabtay iska-horimaad qaatay 40 saacadood la galeen markab dagaal oo ay ciiddanka Badda dalka Hindiya leeyihiin bishan March 15-dii.

Qabashada Burcad-baddeedaasi waa tiradii ugu badnayd ee lagu maxkamadeeyo gudaha dalka Hindiya muddo haatan laga joogo ku-dhawaad 6 sanno.

Sanadkii 2011-kii, 120 Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu soo qabtay hawlgalo ka dhacay badda Soomaaliya ayaa lagu maxkamadeeyey dalka Hindiya, iyadoo lagu xukumay Xabsi 7 sanno ah oo ay ku qaateen xabsiyo ku yaalla magaallada Mumbai ee dalka Hindiya.

Labo ka mid ah Burcad-baddeedaasi ayaa ku dhintay xabsi kuyaalla dalka Hindiya , halka 118-kii kale dib loogu soo celiyey dalkeenna Hooyo, kadib, markii ay dhamaysteen Xukunadii lagu riday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo la kulmay 16-kii Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq (Sawirro)

Caydiid Ali

Ugaaska Xawaadle oo shaaciyay Sababtii ay u diideen Ciidankii laga qaadi lahaa Baladweyne

Cabdi Cade

Munaasabad Xil wareejin ah oo caawa ka socota Xarunta Maamulka gobolka Banaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---