Allbanaadir.com
NEWS

Qoor Qoor iyo Mahad Salaad oo lagu soo dhaweeyay Deegaan Shalay Al Shabaab laga saaray

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu qayb ka yahay taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray degmado Baxdo, iyagoo uga sii gudbay deegaanka Xin-labi oo dhawaan laga xoreeyay Al Shabaab.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo masuuliyiinta la socota ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka Xin-labi ee muddo dheer u oomanaa neecaawda dowladnimada.

Qoor Qoor iyo xubnihii kale ee la socday ayaa uga sii gudbay Xin-libi deegaannada Dhag-haye iyo laas-gacaneey ee gobolka Mudug, waxa ayna deegaannadaasi kula kulmeen bulshada halkaasi ku dhaqan.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo in ku dhaw saddex toddobaad ku jiray furimaha hore ee dagaalka ayaa usoo wareegay deegaannada gobola Mudug ee ay ciidamada geesiyaasha ku baacsanayaan kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taiwan oo si kulul uga jawaabtay go’aankii dowlada Somalia

Caydiid Ali

Dhulgariir saaka ka dhacay Magaalada Al-duqam ee dalka Saldanada Cumaan

Caydiid Ali

Xeer Ilaalinta Puntland oo War cusub kasoo saartay Dacwadii Xildhibaan Cawil Daad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---