Dil nooc cusub ah oo caawa ka dhacay Baydhabo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Nin la sheegay inuu toorey ku hubeysnaa ayaa caawa xaafada Berdaale ee magaalada Baydhabo ku dilay askari ka tirsanaa ciidanka dowlada ee magaaladaas ka howlgala.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ninkan uu si lama filaan toorey dhuunta uga geliyey askari meel fadhiyey, isagoo ka dibna ka qaatay qorigii uu watay, xabado badana ku furay.

Askariga tooreyda iyo rasaas la isugu daray ayaa isla goobtii ku qur baxay.

Ciidamo kale oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobtaas ayaa ku soo baxay dhawaqa rasaasta, iyagoo ka dibna gacanta ku dhigay ninka dilka geystay oo watay qorigii uu ka qaatay askariga uu dilay isagoo isku dayayey inuu baxsado.

Ninkan ayaa loo taxaabay xabsiga, waxaana socda baaritaano la xiriira dilkan iyo sababaha ku xambaaray.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan madaxa looga jiro, halka warar kalena ay sheegayaan inuu ka tirsan yahay Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -