Labada Kuuriya oo qaaday talaabo kale oo nabadeed & caalamka oo soo dhoweeyey

Labada Kuuriyada ayaa ku heshiiyay inay hubka iyo ilaaladaba ka saaraan Panmunjom ama magaalada xabbad joojinta taas oo ku taalla xadkooda.

Panmunjom oo sidoo kale loo yaqaanno Aaga Ammaanka labo geesoodka ah ayaa ah meesha kali ah ee ciidammada labada Kuuriya ay isku hor fadhiyaan, iyadoo Ujeedada arrintaas laga leeyahay ay tahay in lagu dhimo xiisadda labada dal u dhaxaysa.

Horraantii bishan labada dhinacba waxay billaabeen in ay saaraan 800,000 oo miino oo xadka lagu aasay.

Labada Kuuriyada iyo ciidammada Qaramada Midoobay ee Maraykanku hoggaaminayo ayaa ku heshiiyay tallaabooyin ay hubka iyo fariisimmada milatariga kagala baxayaan aaga xabbad joojinta 25 Oktoobar iyo labada maalmood ee ku xiga.

Saddexda dhinac ayaa samayn doona hawlo xaqiijin ah.” Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Kuuriyada Koonfureed.

Talaabooyinka nabadeed ee ay qaadayaan labada Kuuriya ayaa waxaa aad looga soo dhoweeyey caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -