Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Kenya oo Maxkamad la soo taagay

Labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa maanta kasoo muuqday maxkamad kaddib markii lala xiriiriyay rabshado ka dhacay maamulka Marsabit oo ay horraantii bishan ku dhinteen 14 qof.

Xildhibaanada oo kala ah Cali Raaso iyo Chachu Ganya oo kasoo jeedo maamulka Marsabit ee dalka Kenya ayaa la xiray Isniintii.

Toddobaadkii lasoo dhaafay wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiangi wuxuu sheegay in macluumaad sirddoon ah ay heleen ay muujinayaan in siyaasiyiin ay ka qayb qaateen hurinta colaad dhawaan dhalisay in albaabada laisugu dhufto 16 Iskuul oo halkaasi ku yaalla.

Garsoorayaasha ayaa codasaday in labada xildhibaan ay si xirnaadaan muddo saddex toddobaad ah si booliska ay usoo gabagabeeyaan baaritaannada dacwadda loo haysta oo ah kicin qalalaase iyo inay horkacayeen dhaqdhaqaaq dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -