Wasaaradda A/Gudaha oo Xisbiyada dalka u soo bandhigtay Sharciga Doorashoooyinka (Daawo Sawirro)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa maanta usoo bandhigtay Xisbiyada Siyaasadda Dalka Qabyo Qoraalka Sharciga Doorashoooyinka ayadoo oo ay mudo dheer ka soo wada shaqeynayaan dhaamaan hay’adaha ay quseyso iyo waaaradda.

Shirkan oo uu daahfuray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa ujeedkiisu ahaa sidoo loogala tashan lahaa xisbiyada dalka sharciga doorashoyinka oo la rabo in lagu maamulo doorashada dalka ka dhici doonta 2020 oo la rajeyn doono in ay noqoto doorasho Qof iyo Cod ah.

Dhamaan xisbiyada dalka ayaa shirkan loogu qeybiyay qabya qoraalka sharcigan doorashooyinka, iyadoo ay soo aqrin doonaan dibna ay ula soo laaban doonaan talooyinkooda ku aadan sharciga iyo sidoo kale wixii su’aalo oo ay ka qabaan sharciga.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan xisbiyada dalka ayaa su’aalo ku weydiiyeen sharci yaqaanadii ka soo shaqeeyay sharciga doorasha sidoo kale sharci yaqaanada ayaa si daahfuran uga jawaabay dhamaan su’aalihii la weydiiayay.

Shirka la tashiga Xisbiyada dalka ayaa sidoo maalinta berito socon doono ayadoo lagu uruurin doono dhamaan talooyinka ay soo jeediyaan xisbiyada dalka, waxa ayna talooyinkoodana ay qeyb ka noqon doonaan sharcig doorashooyinka dalka oo ay hogaamineyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -