Dowlada Somalia oo wafdi u dirtay xiisada soohdinta Somalia iyo Kenya ee degmada B/Xaawo

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa wafdi balaaran u dirtay gobolka Gedo si ay u soo xaliyaan muranka dhinaca soohdinta ah ee ka taagan xadka gobolkaas uu la wadaago Kenya

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Wasiirka arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa oo ay wehlinayaan Xildhibaano iyo Taliyaha laanta socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale Koofi.

Dayuurada siday wafdiga maanta ka degtay Magaalada Doolow oo ku taala xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana si weyn u soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada iyo shacabka.

Wafdiga ayaa Warbixin ka dhageystay Maamulka degmada Doolow oo kaga warbixiyay Xaalada guud ah ee degmada, arimaha amniga iyo socdaalka.

Wasiirka iyo Masuuliyiinta la socota waxaa lagu wadaa inay tagaan Magaalada Beled Xaawo oo ku taalla xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo u kuur galaya muranka ka taagan Beledxaawo oo la sheegay in ciidamada Kenya ay ka dhisayaan Darbi, waxayna kulamo la qaadan doonaan Maamulka iyo shacabka iyo saraakiisha dhinaca kale ee Kenya.

Gudiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa kulan uu shalay ku yeeshay Magaaladda Muqdisho waxa uu kaga hadlay arinta ku saabsan derbiga la sheegay in Dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo walaac ka muujiyay arintaasi.

Shacabka degmada Beladxaawo ayaa waxaa ka soo yeerayey qeylo dhaan ku aadan derbiga Kenya ay ka dhiseyso Kenya oo ay sheegeen in la soo geliyey dhul ka tirsan degmadaas oo soomaaliya ay leedahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -