Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga iyo xubno la socda oo kusii jeeda Caabudwaaq

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo xubno la socda ayaa saakay kusii jeeda degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ka jirto xiisad ka dhalatay hub la boobay.

Sida aan xogta ku heleyno wasiirka Amniga oo ay la socdaan xildhibaanno iyo masuuliyiin kale ayaa degmada Caabudwaaq u tagaya sidii dib loogu soo celin lahaa gacanta dowladda hub tiro badan oo dhawaan shacabka deegaanka ku boobeen duleedka Caabudwaaq.

Wasiirka Amniga iyo xubnaha la socda ayaana kulama la qaadan doona waxgaradka iyo masuuliyiin ku sugan degmada Caabudwaaq , waxa ayna kala hadli doonaan dhacdadii ka dhacday duleedka Caabudwaaq iyo hubka tirada badan ee gacanta shacabka galay.

Maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda degmada Caabudwaaq ayaa dhawaan jidka u galay baabuur waa weyn oo siday hub ka yimid dhinaca Itoobiya, waxaana hubkan waardiye ka hayay oo laga qabsaday ciidamo katirsan nabad sugidda Soomaaliya.

Lama oga sida loo soo celin doono hubkii tirada badnaa ee galay gacanta shacabka ku dhaqan degmada Caabudwaaq, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay hubkaasi la boobay in ay aheyd, waxaana jira shaqsiyaad lahaanshaha hubkaasi lagu riixay , kuwaa oon beenin sidoo kale qiran lahaanshaha hubkaasi.

War-saxaafadeed horey uga soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa loogu baaqay shacabka Caabudwaaq in ay si degdeg ah usoo celiyaan hubkii ay boobeen, waxa ayna wasaaradda ku hanjabtay ciddii aanan hubka soo celin in tallaabo adag laga qaadi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qisada nololeed ee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xalay ku Geeriyooday Muqdisho

Cabdi Cade

Bandhigga Hindisaha Waxbarashada oo Muqdisho lagu daah-furay

Cabdi Cade

Maxaa laga yiri gabadhii Soomaaliya ku mataleysay tartankii Orodka ee ka dhacay Shiinaha ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---